Cali Balcad iyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa laga dhex-waayay kulankii rasmiga ahaa ee dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

WASHINGTON, United States - Kulankii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu Washington kula yeeshay wasiirka difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, waxaa laga dhex-waayay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Maxamed oo ku sugan isla gudaha Ameerika.

Taas badalkeeda, waxaa fadhiyey Cali Cumar Cali Balcad, wasiiru-dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, agaasimaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud, safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Cali Shariif Axmed iyo Hinda Cali, agaasimaha hab-daamuuska. Dhamaan xubin kama ahan Guddiga Amniga Qaranka.

Wasiir Abshir oo u muuqata in laga leexiyey is-araggan ah kan rasmiga ah ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa loo diray New York halkaasoo ay kaliya ka qabsoomayaan kulan doceedyada kahor Shirka Loo-dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Cali Balcad ayaa wafdiga madaxweynaha maalmo uga sii horeeyay Washington, halka Abshir uu kamid ahaa wafdiga Xasan Sheekh ee magaalada caasimada ah ee Nairobi uga qeybgalay caleema-saarkii madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Kahor socdaalkiisa Mareykanka, Cali Balcad ayaa sii maray xarunta Itoobiya ee Addis Ababa halkaasoo ay isku arkeen Demeke Mekonnen Hassen oo ah ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Kulankii garoonka Addis Ababa

Lama ogga in uu fariin ka sidey Xasan Sheekh oo bilooyinkii lasoo dhaafay cilaaqaadka kala dhaxeeya ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, uusan wanaagsaneyn isla markaana aysan wali kulmin kana baaqdey qorshe ay isku arki lahaayeen.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kulanka Cali Balcad iyo Demeke kadib wuxuu baajiyey qorshe uu socdaalkiisa Mareykanka uga sii aadi lahaa magaaladda Nairobi isaga oo kusoo laabtey magaalada Muqdisho kadibna u sii duulay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in garoonka Addis Ababa ay isku arkeen Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shidde, oo kamid ah saaxiibadda aadka ugu dhow Abiy. Ma cadda in is-araggan ay kasoo baxay wadahadalkii Cali Balcad iyo Demeke ama in ay kadis ahayd.

Cali Balcad oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya isla markaana si dhow ula shaqeynaayey muddo xileedkiisii koowaad ee madaxtinimadda.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortey waxaa ka muuqatay hab-dhaqan uu ku naas-nuujinayo xubnaha ka tirsan xisbigiisa siyaasadeed taasoo khilaafsan balanqaankiisii ololaha doorashadda oo ahaa "Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah".

Digniinta xasilooni darro iyo kacdoon

Cawaaqibka hab-dhaqankan ayaa sababay digniino xooggqn iyo dowladda Puntland ay sheegtay in ay keeni karto "xasilooni darro, kacdoon shacab iyo rabshado". Hadalka Puntland wuxuu yimid markii "dowladda federaalka ay ku dhiiratay geedi-socod sharci darro ah".

Dowladda federaalka ayaa aas-aastey guddi loogu magacdaray qandaraas bixinta shidaalka. Dooda ugu xooggan waxay ka dhalatay xubnaha kamid noqdey oo u badan xubnaha xisbigadda madaxwayne Xasan Sheekh oo lagu taxay wasaaradaha laf-dhabarka ah.

"Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Caalamka in ay arrimaha kheyraadka iyo Batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan Dasruurka KMG (Ku meelgaarka) ah ee DFS (Dowladda Federaalka Soomaaliya)," ayaa laagu warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Puntland waxay ka digeysaa xasilooni-darada amni iyo siyaasadeed ee uu keeni karo dhaqan-gelinta hindise sharciyeedkan. Dowladda Puntland qeyb kama aha ku dhaqanka hindise sharciyeedkaan ilaa iyo inta wadahadal ku saabsan ay ka yeelanayaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda ha Xubnaha ka ah".

Qeybsiga kheyraadka ayaa kamid ah mawduucyadda xasaasiga ah ee Soomaaliya. Heshiis iyo sharciyo horey looga soo saarey ayaa ah kuwa aan heshiis mideysan laga gaarin. Tani waxay ka dhigan tahay in baahi weyn loo qabo in madaxda ay mar kale isku yimaadaan si loo xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Kala Kulmay Madaxa WHO Garoonka Diyaaradaha Sanca, Yemen?

Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo “arxan-darro ah…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 08:45AM

Cirro oo Ka Hadlay Dagaalka Dacawaley

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in dagaalku…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 07:00AM