Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Image

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo inuu bisha soo socota shir gaar ah la yeesho madaxdii hore ee dalka, kuwaas oo haatan hoggaaminaya mucaaradka ka soo horjeeda dowladda.

Shirkan oo ku yimid cadaadiska beesha caalamka, ayaa la filayaa inuu diiradda saaro sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo xiisad xooggan dhaliyay.

Xogaha ayaa sheegaya in Saaxiibada Beesha Caalamka, kuwaas oo walaac ka muujiyay jahwareerka siyaasadeed iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida dalka iyo dib u dhiska dowladnimada, oo dhaqaale iyo dagaal badan ku bixiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda ilaa iyo hadda in dhinacyada mucaaradka ay aqbali doonaan ka qeybgalka shirka, iyadoo qaar ka mid ah ay hore u muujiyeen dhaliilo iyo kalsooni darro ku aaddan dowladda hadda jirta.

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan doorashadda 2026, taasoo Xasan Sheekh u qaabeeyay hab isaga ku guuleysan kara tartanka mar 3aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo u diiday wafdi Mucaarad ah inuu tago Baydhabo iyo xiisad taagan

In kasta oo maamulka Koonfur Galbeed aanu weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha loo jeediyay, haddana waxaa soo baxaya xiisado.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 01:04PM

Dowladda DRC Congo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoontey Danjire Ilyaas Cali Xasan

Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 04:57AM