Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Image

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo inuu bisha soo socota shir gaar ah la yeesho madaxdii hore ee dalka, kuwaas oo haatan hoggaaminaya mucaaradka ka soo horjeeda dowladda.

Shirkan oo ku yimid cadaadiska beesha caalamka, ayaa la filayaa inuu diiradda saaro sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo xiisad xooggan dhaliyay.

Xogaha ayaa sheegaya in Saaxiibada Beesha Caalamka, kuwaas oo walaac ka muujiyay jahwareerka siyaasadeed iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida dalka iyo dib u dhiska dowladnimada, oo dhaqaale iyo dagaal badan ku bixiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda ilaa iyo hadda in dhinacyada mucaaradka ay aqbali doonaan ka qeybgalka shirka, iyadoo qaar ka mid ah ay hore u muujiyeen dhaliilo iyo kalsooni darro ku aaddan dowladda hadda jirta.

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan doorashadda 2026, taasoo Xasan Sheekh u qaabeeyay hab isaga ku guuleysan kara tartanka mar 3aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM