Guudlaawe oo cayriyay gudoomiyihii SIET ee HirShabeelle

Image
HirShabelle ayaa lagu amaanay qaabkii ay u maaraysay codaynta golaha shacabka.

JOWHAR, HirShabelle – Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Doorashada Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini, isagoo xubinimada Gudiga u Magacaacabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi), ka dib markii uu qaaday talaabooyin kursiga golaha shacabka lagu dhaafsiinayo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo Villa Soomaaliya dagaal kula jirto.

Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.

Talaabadan kahor, Page-ka Facebook ee Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa laga saaray warqad lagu shaacinayay guddiga xulista saddex kursi uu ku jiro #HOP135 oo aan aheyn odayaashii saxda ahaa, kursigan waa midla ay ku fadhiso xildhibaan Aamina oo ay Viladu dadaal galineyso sidii tartanka looga reebi lahaa.

Guddoomiyaha Guddiga ee xubinimada guddiga laga saaray Axmed Xasan Diini ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay shaacinta liiskaas been abuurla ah, isagoo heshiis la galay Musharax gaar ah oo diidan inuu tartan furan galo.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku tilmaamtay liiskaas la shaaciyay mid been abuur ah oo dhowaan la shaacinayo liiska saxda ah, lalana xisaabtami doono cidii ka dambeysay been abuurkaas.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowaan ballan qaaday in kuraasta hartay ee Beledweyne taalla uu tartan furan ka dhici doono, iyadoo maalmo ka hor kuraas dhowr ah lagu tartamay.

Hirshabelle oo lagu amaanay qaabkii ay u maaraysay codaynta golaha shacabka ayaa lagu eedeeyay in ay kuraasta golaha shacabka qaarkood u boobtay xubno ka tirsan Villa Somalia oo uu ku jiro Fahad Yaasiin Daahir Agaasimihii hore ee NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM