Caro ka dhalatay wafdi rag oo Soomaaliya u dirtey shir haweenka aduunka

Image
Arrimaha xuquuqda haweenka ee Soomaaliya ayaa muddo dheer la dhaliilayay sababo ku aadan in la xurmeyn.

NEW YORK, USA - Dood adag ayaa ka dhalatay kaddib markii Wasiirka Qoyska ee Soomaaliya, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac, uu bartiisa X ku faafiyay sawirro isaga iyo wakiillo kale oo rag ah oo Soomaaliya uga qayb galayay kulan sare oo ku saabsan arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay (UN). Sawirrada la soo dhigay ayaa sababay caro iyo dhaleecayn xooggan oo kaga timid shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo aaminsan in wakiillada haweenka ay tahay inay matalaan haweenka.

Sida laga soo xigtay idaacadda BBC-da qaybteeda afka Ingiriiska, Fathiya Absie oo ah qoraa iyo u-doodaha xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay, “Waa wax aan habooneyn in dowladda Soomaaliya ay rag u wakiilato arrimaha haweenka, gaar ahaan kulan muhiim u ah haweenka.” Fathiya ayaa sheegtay inay tani ka tarjumayso in aan si dhab ah loo fahansaneyn baahiyaha gaarka ah ee haweenka Soomaaliyeed.

Warbixin la xiriirta ayaa sidoo kale tilmaantay in laba haween ah ay qayb ka ahaayeen wafdiga Soomaaliya ee ka qayb galayay shirkaas, kuwaas oo kala ah Iman Elman oo ah sarkaal milatari caan ah iyo Saadiya Maxamed Nuur oo ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, balse aan lagu soo darin sawirka la shaaciyay.

Kulanka shabakadda Focal Points Network ee arrimaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga oo lagu qabtay magaalada New York ayaa isu keenay wakiillo ka socday 57 waddan, waxaana ka qayb galay 197 ergo oo 21 ka mid ah ay ahaayeen rag. Sawirro laga soo qaaday kulanka ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka bulshada, iyada oo si weyn loogu dhaliilay ka-qaybgalka wasiir Bashiir iyo la-taliyihiisa Cabdullaahi Goodax Barre oo horey usoo noqday xildhibaan, kuwaas oo labaduba ahaa rag.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Aadanaha ayaa BBC-da u sheegay in “aysan ahayn Wasiirka Soomaaliya oo keliya ee shirka jooga, balse ay jiraan wasiirro rag ah oo ka yimid dalal kale sida Japan iyo Shiinaha.” Hadalkan ayaa ah mid ku celceliyay in aysan Soomaaliya keligood ahayn marka ay timaado wakiillada raga ah ee ka qaybgalaya kulanka haweenka.

Carada bulshada ayaa sidoo kale dib u soo cusboonaysiisay dood ku saabsan go’aankii dowladda ee bishii Luulyo ay ku bedeshay magaca Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, iyada oo looga dhigay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, taasi oo dad badan ay u arkeen inay hoos u dhigeyso muhiimadda xuquuqda gaarka ah ee haweenka.

“Magaca haweenka marka laga saaray wasaaradda waxay meesha ka saareysaa halganka iyo baahiyaha gaarka ah ee haweenka. Waxay arrimaha haweenka ku koobeysaa erayga qoyska,” ayay tiri Ms. Absie oo ka tirsan dadkii ugu horreeyay ee arrintan dhaliilay.

Arrimaha xuquuqda haweenka ee Soomaaliya ayaa muddo dheer lagu dhaliilayay iyada oo ay jirto in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaateen dhismaha nabadda iyo siyaasadda inkasta oo aanay badanayn haweenka ku jira awoodaha siyaasadda. Doodaha iyo dhaliilaha soo baxaya ayaa muujinaya baahida loo qabo in kor loo qaado ka-qaybgalka haweenka ee mas’uuliyadaha siyaasadeed.

Waxaa jira dad yar oo difaacay dowlada iyaga oo qaba in aysan jirin wax khalad ah oo ku jira in wasiir khibrad leh uu hoggaamiyo wasaaradda qoyska, balse baaqyada ku aaddan in haweenku ay door muuqda ku yeeshaan wasaaradda ayaa si weyn u sii kordhaya. Mr. Bashiir ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto in mustaqbalka ay haweenka ka siiso doorkooda muhiimka ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Turkiga mar kale ayuu qaatay go’aan muhiim inoo ah

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka midnimo si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

  • Soomaliya

    26-10-2024

  • 03:35AM

Xamse Barre oo sheegay in Turkiga uu faqriga ka saarayo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa uu u ammanay dowladda Turkiga.

  • Soomaliya

    26-10-2024

  • 03:30AM