Carruur biyo la'aan ugu geeriyootey Jubada Hoose

Image

October 13, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof oo carruur u badan ayaa lagu soo waramayaa inay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Tuulada Hoosingow oo qiyaastii 150km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland ayaa kamid ah meelaha abaartu sida ba'an u saamaysay.

Nabadoon Maxamuud Xaaji khaliif  oo kamid ah waxgaradka deegaanka Hosingow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 8 ilmood tuuladaas iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran haraad iyo macaluul ugu dhinteen.

Nabadoonku wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladu kasii dartay kadib markii uu guray hal ceel degmadaasi ka cabi jirtey, isagoo ku baaqay in dadka abaartu saamaysay si deg deg ah loogu soo gurmado.

Abaarta ayaa weli ka taagan qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka xilli roobabkii dayrtu si fiican ugu hooreen deegaano ka tirsan Puntland iyo gobollada dhexe.

Sanadkii 2011 abaar ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaa ku geeriyoodey kumanaan qof, boqollaal kun oo kale oo beeraley iyo reer-guuraa isugu jirayna waxay usoo barakaceen magaalooyinka waaweyn kadib markii abaartu cayraysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM