Carruur biyo la'aan ugu geeriyootey Jubada Hoose

Image

October 13, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof oo carruur u badan ayaa lagu soo waramayaa inay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Tuulada Hoosingow oo qiyaastii 150km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland ayaa kamid ah meelaha abaartu sida ba'an u saamaysay.

Nabadoon Maxamuud Xaaji khaliif  oo kamid ah waxgaradka deegaanka Hosingow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 8 ilmood tuuladaas iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran haraad iyo macaluul ugu dhinteen.

Nabadoonku wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladu kasii dartay kadib markii uu guray hal ceel degmadaasi ka cabi jirtey, isagoo ku baaqay in dadka abaartu saamaysay si deg deg ah loogu soo gurmado.

Abaarta ayaa weli ka taagan qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka xilli roobabkii dayrtu si fiican ugu hooreen deegaano ka tirsan Puntland iyo gobollada dhexe.

Sanadkii 2011 abaar ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaa ku geeriyoodey kumanaan qof, boqollaal kun oo kale oo beeraley iyo reer-guuraa isugu jirayna waxay usoo barakaceen magaalooyinka waaweyn kadib markii abaartu cayraysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM