Madeira: "Calooshiis u shaqayste" kamid ah CBB-da Farmaajo

Image
Cayrinta ergaygii Midowga Afrika ayaa u muuqata mid dabayl cusub u abuurtay siyaasadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dalka laga cayriyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Franciso Madeira, iyada oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood.

Rooble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo Ra'iisal Wasaare Rooble uu ka codsaday ururka Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira.

Fransisco Madiera ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hada sidee looga falceliyay Cayrintiisa.

Madaxweynaha xilka ka siidagaya Farmaajo ayaa ku gacansayray, qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo dalka looga cayriyay, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ”Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka”.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Madeira uu laaluush ka qaadanayey Villa Soomaaliya, isla markaana uu siyaasadeeyey howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo hadda lagu beddalay ATMIS.

“Madeira kuma ekayn laaluushka uu ka qaadanayay Villa Somalia ee wuxuu ka shaqeynayay marin habaabinta beesha caalamka iyo sidii dalkaan u qarbudi lahaa, sida aad ka dheehan kartaan codka laga soo duubay ee ugu gafayo RW Rooble, Madaxweyneyaashii hore, Madaxweyneyaasha maamulada qaarkood, siyaasadeynta doorka nabad ilaalin ee Amisom iyo ku qalqaalinta ciidamada Amisom in ay Farmaajo la saftaan si xukunka xoog loogu sii haayo!,” ayuu yiri.

"Calooshiis u shaqayste CBB ah"

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa ka falceliyey eryida wakiilka Midowga Afrika, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay calooshiis u shaqayste.“Fransisco Madiera wuxuu ahaa calooshiis u shaqayste CBB da Farmaajo ka mid ah, waxaana laga laaluushi jirey canshuurta dadka Muqdisho laga qaado,” ayuu yiri siyaasi Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu ka gudbay xeyndaabkii iyo anshixii uu yaallay diblomaasiyadda Soomaaliya.

“Wuxuu ka soo gudbay xeyndaabkii iyo anshaxii diplomaasiyadda, wuxuuna u caytamayaa sida CBB-da Farmaajo oo kale, talaabada lagu eryay waxay ahayd mid sax ah, Farmaajaha waqtigu ka dhamaaday ee waraaqaha fadhi ku dirirka ay uga soo hartayna waxba laga weydiin maayo eryidda calooshiis u shaqayste Madiera” ayuu raaciyey.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Soomaaliya oo fariin kooban soo dhigay bogiisa Facebooka ayaa kula taliyay Egayga in uu dalka ugu baxo waqtiga loo qabtay ee 48 saacadood.

“Waxaa na haysta dhibaatooyin guddaha ah. Fadlan naga tag oo bax wakhtiga laguu cayimay gudaheed” ayuu yiri wasiir Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madiera, isaga oo sidoo kale ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxda Dowlad-goboleedyada, Saaxiibada beesha Caalamka iyo golaha midowga musharixiinta ayaan wali ka hadlin qadiyadaan oo uga sii dartay khilaafkii u dhexeeyay Xafiiska Farmaajo iyo kan Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM