CC Shakuur oo xasuusiyay Farmaajo xilligii uu mucaaradka ahaa

Image

NAIROBI, Kenya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ka hadlay go'aankii dowladda Kenya ay ku joojisay xaflad Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay doonayeen inay isaga kusoo dhaweeyaan.

Cabdiraxmaan ayaa marka hore ka raali geliyay dadkii soo qaban-qaabiyay Munasabadda baaqashadii ku yimid xafladda, isagoo dhanka kale ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo inay bartilmaameed ka dhigatay dadka ka aragtida duwan.

"Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Farmaajo shaqo ka dhigtay bartilmaameedsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xisbiga Wadajir," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa soo xasuujiyay shacabka in isaga iyo Farmaajo sanadkii 2016 ay olole Siyaasadeed iyo kulamo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ay ku qaban jireen magaalada Nairobi.

"Waxaa xasuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad kahor aan Nairobi ku qaban jirnay Olole Siyaasadeed iyo Kulamo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh," ayuu hadalkiisa raaciyay CC Shakuur.

Siyaasigan oo hore Wasiir iyo Musharax usoo noqday ayaa dhawaan dowladda ka qaadey xayiraad dhanka safarka ah ayaa la dhigay xasbiga bishii December 2017 kadib markii lagu eedeeyay inuu ka waday Muqdisho olole lagu ridayo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM