Cidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Jilib

Image

October 8, 2014 (GO)- Ciidanka Maamulka Jubaland iyo kuwa dalka Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku dhawaaday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dagaal culus oo saakay ka dhacay deeganada Mugaanbow, Bangeenni iyo Baar-sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa u sahlay ciidamada huwanta ah in ay jiiraan difaacii Al-shabab.

Tirro dagaal yahanada Al-Shabab kamid ah ayaa hawlgalka saakay lagu dilay sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubaland.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa si toosa saakay dagaalka uga qeyb qaadanayay ayagoo duqeymo ka geystay difaacyo ay qoteen Al-Shabab oo ku yaal deegaanada lagu diriray saakay.

Aadan Goojaar oo kamid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubaland ee hogaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay dhawaan la wareegayaan Kamsuuma iyo Jilib. Dhanka kale, cutubyo ciidanka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa u weecday dhanka Janaa cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaan jartay adeega isgaariisnta shirkadda Hormuud maadaama xarunta Hormuud ee Jubbooyinku ku taal Jilib oo  haatan Al-Shabab haystaan mana jirto wax isgaarsiin ah marka laga reebo shirkadda Nation iyo taarar ay isticmaalayaan ciidamada Jubbaland.

Hawlgalka oo socda maalinkii seddexaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid hormar ay ka gaareen ciidamada huwanta ah ayagoo qabsaday deegano badan masaafo 90km socday waqooyiga Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM