Ciidamada DFS oo ku dagaalamay Saldhiggii uu ka baxay Imaaraadka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada kawada tirsan Militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dagaalamay Xerada Jeneraal Gordon, taasi oo dhawaan Imaaraadka kala baxay Tababariyaashiisa.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaal iska hor-imaad culus oo saldhiga ku dhexmaray Ciidamada, kuwaasi oo isku adeegsaday hubka culus.

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayo boob iyo dhac ay Askar katirsan dowladda kula kaceen agabkii military iyo qalabka kale ee saldhigga uga tageen Tababariyaashii Imaaraadka.

Sarkaal katirsan Militeriga oo ka gaabsaday magaciisa ayaa GO u sheegay in iska hor-imaadka uu qarxay kadib markii Saraakiil Ciidan oo watey Askar badan ay isku dayeen inay hub iyo saanad military kala baxaan Xerada General Gordon.

Wali lama oga khasaaraha dagaalka, mana jirto war kasoo baxay Taliska Ciiamada oo ku aadan boobka la sheegay in loo geestay Saldhigga.

Xeradan oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee degmada Hodon ayaa waxaa gacanta ku haysay dowladda Imaaraadka oo tan iyo 2014 tababar ku siinaysay cutubyo katirsan Ciidamada dowladda.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood ayaa maalin kahor shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay saldhigga, islamarkaana ay buuxin doonaan kaalinta uu baneeyay Imaaraadka. Halkan ka akhri.

Arintan ayaa muujinaysa sida uu u nugul yahay amniga Soomaaliya, iyadoo Ciidamada qaranka ay yihiin kuwa dhismahooda ku saleysan qabiil, oo inta badan dagaallo ku dhexmara Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM