Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegey Guriceel

Image

December 15, 2014 (GO)- Boqollaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa inay maanta si nabad ah kula wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyada Ahlu Sunna ay magaaladaas isaga baxeen saacado kahor markii ay ka war heleen ciidamada dhankooda usoo wajahan una carareen dhanka deegaanka Xeraale.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Suna la wareegeen gacan ku haynta Guriceel kadib dagaal dhex maray iyaga iyo ciidamo kuwa dowladda ka tirsan oo halkaas horay u joogey.

La wareegista ciidamada Dowlada Federaalka ee degmada Guriceel ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii xabad joojin la kala dhex dhigay dhinacyadii muddada dhowrka beri ah halkaas ku dagaalamayey.

Dagaallada kasoo cusboonaaday Galguduud ayaa salka ku haya dhismaha maamulka gobollada dhexe iyo qorshe la doonayo in lagu qarameeyo mileeshiyaadka maamulka Ahlu Sunna oo isagu horay qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe uga arimin jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM

Wasiir Maxamed: Daacish waxay Malaayiin dollar ka heshay ka ganacsiga Dahabka

Inkasta oo tirada dadka deegaanka ee ku biiray ay yar tahay, haddana Faroole wuxuu ka digay in joogitaanka dagaalyahannada ajaanibta ah.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 12:38PM