Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabab ka saaray deegaano hor leh

Image

October 25, 2014 (GO)- Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Jubbooyinka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano hor leh oo katirsan Jubbada Hoose.

Goobaha ay ciidamada huwantu la wareegeen waxa ka mid ah tuulada Cabdalla Biroole oo galbeedka Kismaayo kaga beegan una jirto masaafo dhan 60km.

Tuulada Cabdalle Biroole waxaa mudo badan gacanta ku hayay kooxda Al-Shabaab ayadoo marar badan dagaal ku dhex maray halkaas ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab. Wax iska caabin ah kalama aysan kulmin ciidamada huwanta dagaalyahanada Al-Shabaab waxana ay iskaga baxeen ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada iska kaashanaya.

Madaxa hawlgallada galbeedka Kismaayo Iftiin Xasan Baasto ayaa GO u sheegay in qorshahoodu yahay  inay la wareegaan deegaanka Buulo Xaaji oo Biroole u jirta 20Km.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Jubbaland oo ka amba baxay Raaskeemboni ayaa u ruqaansaday Jasiirada Kudhaa oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab waxaana la filayaa in saacadaha soo socda magaaladaas ay gacanta ku dhigaan ciidamada Huwanta.

Sidoo kale ciidamadii ku sugnaa Buulagaduud ayaa u ruuqaansaday tuulooyin ku teedsan Baarsaguuni halkaasoo ay ka baadi goobayaan haraadiga kooxda Shabaab iyagoo dhanka kale  miinooyin ka saaray waddooyinka isku xira Buulagaduud ilaa Kamsuuma.

Hawlgaladaan hadda ka socda deeganada galbeedka kaga aadan Kismaayo ayaa imaanaya kaddib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Maamulka Jubba dhowaan tababar loosoo gaba gabeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM