Ciidamada Soomaaliya iyo Jubaland oo ku dagaalamay Raaskambooni

Image
Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii saaka oo wali fahfaahin buuxa aanan laga helin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa la wareegey gacan ku haynta Manaraani oo ay ahayd difaaca 1aad ee taliska Raas-gambooni iyo deegaanka Oodow oo ahayd ceelbiyoodka ciidanka dowladda Soomaaliya ay geysey Raas-gambooni.

Maamulka Jubbaland wuxuu sheegay inuu iska caabiyey duulaan kaga yimid ciidanka DFS ee ku sugan Raas-gambooni, inkastoo aysan dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixin dagaalka saaka ka dhacay aaggaasi iyo cidda weerarka soo qaadday.

"42 askari oo Gogor katirsan ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Jubaland, si wanaagsan ayaana loola dhaqmi doonaa Insha allah, mas'uuliyadda dagaalka socda waxaa qaadi doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdi Barre," ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

Dhanka kale, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar ku soo qaadeen ciidankeeda ku sugan deegaanka Raas-gambooni ee degmada Badhaadhe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM