Ciidamo Mareykanka ah oo ka qeyb-qaatey Howlgal Laga Fuliyay HirShabeelle

Image

MUQDISHO - Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa si guul leh loogu fuliyay agagaarka Ceel Baraf, oo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle.

Qiimeynta hore ee howlgalka ayaa muujisay natiijooyin wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin burburinta gaadiid badan oo Al-Shabaab ku waday dagaalyahano iyo qabashada qaraxyo lagu soo sheegay inay loogu talagalay weeraro mustaqbalka.

Waxaa lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool goobaha uu ka dhacay howlgalkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AFRICOM ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya hawlgallada iyo duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, si loo burburiyo awoodda kooxdaas.

Hawlgalladani waxay muhiim u yihiin xoojinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo ilaalinta bulshada caalamka ee ka dhanka ah khataraha ay soo saarto kooxda Al-Shabaab.

May be an image of text that says "Ministry War-Saxaafadeed Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka fuliyay hawlgal khasaare ballaaran Al-Shabaab HirShabelle Muqdisho, kaashadeen 2025: Hawlgal duqeyn Ciidanka Qaranka Soomaalita Ciidamada AFRICOM, ayaa guul ah looga deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf gobolka Shabeelaha Dhexe tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle. ee mid jiro aad Qiimeynta xogta horudhaca ah hawlgalka oo ahaa loo qorsheeyay muujinaysa lagu burburiyay gaadiid sida maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta iyo diyaariyeen weeraro fuliyaan, mana khasaaro ah gaaray rayidka lagu guda jiray Ciidamada Qalabka Sida kaashanaya AFRICOM aya wali hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada duqeymaha lagu argagixisada Shabab qatarta jiritaanka bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM