Daahfurka Application-ka Casriga ah ee Quran Tabsera oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muqdisho, 12kii Febraayo 2025 – Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah looga daahfuray Application-ka casriga ah ee Quran Tabsera, oo ah barnaamij cusub oo la iskaga akhrisan karo Quraanka Kariimka ah, lana dhagaysan karo, sidoo kale lagu baran karo Tafsiirka Quraanka.

Daahfurkan waxaa ka soo qaybgalay culimada Soomaaliyeed ee ugu waaweyn, waxaana ka mid ahaa: Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Saciid Raage, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Xuseen Cali Jabuuti, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Cabdihayi, iyo guddoomiyaha midowga Jaamacadaha, Prof. Bidey.

Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay culimo kala duwan oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Application-kan, oo ay sameysay Jaamacadda Hormuud, ayaa noqon doona mid wax weyn ka bedeli doona sida ay bulshada Soomaaliyeed u isticmaasho tiknoolajiyada si ay u barato Diinta iyo gaar ahaan Quraanka Kariimka ah.

App-ka Quran Tabsera waxa uu taageeraa in ka badan 6 luuqadood, oo ay ka mid yihiin: Soomaali, Carabi, Ingiriis, Faransiis, Kiswahili, iyo Amxaari. Barnaamijkan waxaa ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ugu magac dheer ee tafsiir u sameeya Quraanka, sida Shiikh Maxamed Mucalim, Shiikh Cumar Faaruuq, iyo Shiikh Maxamed Dirir, waxaana sidoo kale ku jira Qurraa ka kooban 23 qof.

Daahfurkan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa sida tiknoolajiyadu uga qayb qaadan karto horumarinta barashada Diinta ee bulshada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa fursad sahlan oo lagu baran karo Quraanka iyo tafsiirkiisa meel kasta oo qofku joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM