Dad biyo la'aan ugu dhintay gobolka Gedo

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Dad ay tiradoodu ku dhow dahay labaatan qof ayaa 48-dii saac ee ugu dambeeyey biyo la'aan iyo macaluul ugu geeriyoodey deegaano hoos taga degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dadkaas oo isugu jira carruur iyo dad waayeel ah tiradooduna ay dhan tahay 18 qof waxay ku dhinteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay nawaaxiga tuulada Qoryaale oo degmada Luuq 50km u jirta.

Maamulka  Luuq ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka, hay'adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee khayrka jecel, baaqaas oo ah in gargaar loo fidiyo dadka ay abaartu saamaysay.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa biyo dhaamis laga waday miyiga gobolka Gedo, inkastoo xaaladda abaarta oo aad u daran aawadeed ay adag tahay in biyaha la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

Abaarta oo ka jirta dhul badan oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, waxay sidoo kale saamaysay qaar kamid ah deegaanada Puntland, inkastoo xaaladoodu ay wanaagsan tahay marka loo barbar dhigo tan ka jirta gobollada Gedo iyo Galguduud.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM