Dad ku geeriyoodey dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug

Image
Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu muran ka dhashay lahaanshaha dhul iyo ceel biyood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen dagaal maleeshiyo beeleed ku dhexmaray degmada Xarfo ee gobolka Mudug Sabtidii.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu muran ka dhashay lahaanshaha dhul iyo ceel biyood. Labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ay ku hubeysan yihiin Hubka culus, waxaana taasi ay sii kordhisay cabsida laga qabo in ay ku soo laabtaan deegaanka oo markii horeba ahaa mid kacsan.

Odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay waanwaan ay ku kala saarayaan dhinacyada iska soo horjeeda, isla markaana ay joojiyaan dagaalka, inkastoo xaaladu ay tahay mid kacsan.

Maamulka Puntland ee ka arrimiya gobolkaasi ayaan wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay faragalin rasmi ah oo lagu qaboojinayo xiisada.

Colaadaha qabaa’ilka ayaa ah arrin weli ka taagan Soomaaliya, waxaana inta badan sababa khilaafaadyo ka dhasha kheyraadka yari, waxayna sii wadaan inay wiiqaan xasilloonida deegaanno badan oo miyi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM