Dad ku nafwaayey iska hor imaad ka dhacay Beledweyne

Image
Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in dagaalku ka dhashay muran dhexmaray ciidamo iska soo horjeeda.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Ugu yaraan Seddex ruux ayaa ku geeriyooday 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne xilli uu jiro khilaaf oo u dhexeeya hoggaanka sare ee maamulka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca balse goobjoogayaa ayaa u xaqiijiyeen Garowe inuu dagaalka ka dhashay kala shaki soo kala dhex galay ilaalada musharixiinta ku sugan madaxtooyada iyo ciidamada dowladda.

Xerada Lamagalaay waxaa ku yaala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in dagaalku ka dhashay muran dhexmaray ciidanka dowladda ee ku sugan Beledweyne iyo maleeshiyo beeleed ka careeysan in shaqsi loo xiro kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).

Dagaalkan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay uu cirka isku sii shareeray khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo isku fahmi waayay hanaanka loo maamulayo doorashada 11-kursi oo ka harsan kuraasta Baledweyne taala ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaalada magaalada ayaa haatan ah wali mid cakiran maadama ciidamadii wada dagaalamay ay wali kuwada sugan yihiin gudaha xerada lamagalaay ee magaalada Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa ah labo shaqsi oo aad ugu dhaw maamulka Farmaajo, oo doorashadiisii 2020 ka caawiyay, waxaana dhawaan heshiiska lala galay Jen Xuud oo ka mid ahaa shaqsiyaadka diiday maamulka la keenay magaaladda Muqdisho taas oo maamulka Hirshabeelle u ogaatay in ay magaaladda maamulaan.

Kacdoonka Hiiraan ee Jen Xuud hogaaminayay oo salka ku haayay diidmada hab-dhismeedkii HirShabeelle ayaa qaatay sanad ka badan balse waxaa muuqa in aan wali xal rasmi ah laga gaarin xiisada magaaladda Beledweyne taas oo meesha ka saaraysa kalsoonida shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM