Dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo

Image
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo, dagaalkan ayaa waxa uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in iska hor imaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Doolow oo ay isku horfadhiyaan ciidamo Ethiopian ah, xarunta sirdoonka, xarunta maamulka iyo saldhiga booliska.

Khasaaraha weli lama oga. Hase ahaatee, waxaa lagu waramay inuu isku-dhacan sababay waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaarey dhamaan dhinacyadda dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Wafdi Wasiirro ah ka dejisay magaalada Doolow

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka DF oo ku saabsan diyaaraddaan sida toos ah ka uga degtay magaalada Dooloow ee gobalka Gedo.

  • Soomaliya

    23-12-2024

  • 04:34PM

Jubaland: Xasan Sheekh ayaa amray weerarka lagu qaadey Doolow

Madaxtooyadda Jubaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartey dagaalkii ka qarxay magaaladan.

  • Soomaliya

    23-12-2024

  • 02:50PM