Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo loogu deeqay 114 milyan doolar

Image
Deeqdan lacageed ayaa la aaminsan yahay in ay wax weyn ka qaban doonin baayiha dadka ay abaarta saameysay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ku dhaawaqay 114 milyan oo dollar oo uu ku bixinayo gargaar bini’aadantinimo oo dheeri ah si loo daboolo baahiyaha dadka aya saameysay abaartu ee ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay taageeradan dhaqaale ka caawin doonto gargaar cunto ah lagu badbaadinayo in ka badan laba milyan oo qof bishiiba.

Waxa kale oo loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo nafaqeynta iyo daawaynta carruurta da'doodu ka yar tahay illaa lix sano.

Itoobiya, taageeradani waxay ku bixin doontaa gargaar cunto, helitaanka biyo nadiif ah iyo sidoo kale taageerada caafimaadka.

Dhinaca Kenya, kaalmadan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool woqooyiga iyo bari dalkaasi waxay qoysaska siin doontaa cunto iyo gargaar nafaqo oo loogu talagalay carruurta iyo hooyooyinka nafaqo-xumada la ildaran.



Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee bixiya gargaarka bini'aadanimo ee Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya, isagoo ku dhawaad 161 milyan oo doolar ku bixiyay guud ahaan Geeska Afrika tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedkan 2022.



Washington ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha kale inay kusoo biiraan si loo kordhiyo gargaarkooda wax ka qabashada baahiyaha bini'aadantinimo ee ka dhashay abaarta sii xumaanaysa ee Geeska Afrika.

Abaaraha soo noqda ee dhaca gobolka ayaa aad u saameeyay nolasha dadka Soomaalida gaar ahaan xoolo dhaqatada iyo beeraleyda. Waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay sidoo kale ka mid yihiin qowmiyadaha ku dhaqan dalalka dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya.

Deeqdan lacageed ayaa la aaminsan yahay in ay wax weyn ka qaban doonin baayiha dadka ay abaarta saameysay haddii la waayo wadamo kale oo kusoo biira dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM