Dalalka ciidamadda ka joogaan Soomaaliya oo qoraal wadajir ah soo saarey

Image
Bayaankan ayaa kasoo baxay kulan ay madaxdan ku yeesheen magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed kasoo baxay Shirka Taliyaasha Ciidamada dalalka ka midka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta lagu soo geba-gebeeyay magaalada Muqdisho

Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa'iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM