Dalalka ciidamadda ka joogaan Soomaaliya oo qoraal wadajir ah soo saarey

Image
Bayaankan ayaa kasoo baxay kulan ay madaxdan ku yeesheen magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed kasoo baxay Shirka Taliyaasha Ciidamada dalalka ka midka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta lagu soo geba-gebeeyay magaalada Muqdisho

Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa'iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM