David Cameron iyo nin dhallinyaro ah oo is dardarey

Image
Image
Image
Image

October 28, 2014 (GO)- Nin dhallinyaro ah oo ordaya ayaa si aan ula kac ahayn u dardarey ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee xarunta golaha deegaanka ee magaalada leeds.

Cameron ayaa dib u cararay markii uu arkay ninka dhankiisa usoo ordaya isagoo qaddar ilbiriqsiyo ah meel gees ah istaagnaa kahor intaan ilaaladiisu kusoo xoomin si deg deg ahna gaariga u gelin.

Ilaalada gaarka ah ee David Cameron ayaa qabtay dhulkana dhigay ninka ra'iisul wasaaraha jiiray oo sida la xaqiijiyey xiligaas usii ordayey xarun lagu jimicsado oo goobtaas waxyar ka durugsan.

Booliska degmada Leeds ayaa xiray ninka oo lagu magacaabo Dean Farley da'diisuna 28 jir tahay, inkastoo markii dambe layska sii daayey kadib markii la xaqiijiyey in falkaasi si aan ula kac ahayn u dhacay.

Farley oo markii dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey si kooban warbaahinta ula hadlay, wuxuu sheegay in lagu xadgubey isagoo dhanka kale boggiisa Facebook kusoo qaray in uusan falkaas ujeedo gaar ah ka lahayn balse ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay.

Dadka arimaha ammaanka dalka Ingiriiska ka faalooda ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid cadeyn u ah habacsanaanta ka jirta laamaha ammaanka, gaar ahaan hay'adaha ku shuqulka leh ilaalinta dadka muhiimka ah.

Xuquuqda Sawirada: Mirror, UK

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM