Degaan doorashada labaad ee Jubaland oo la badalay

Image
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay salka ku hayso caqabado dhanka ammaanka ah.

KISMAAYO, Jubaland - Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland u badalay Ceelwaaq, sida ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, talaabadan ayaa waxay salka ku haysaa caqabado dhanka ammaanka ah oo ku hor-gudban in coddeynta ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Mohamed Hussein Roble ayaa taageeray go'aanka guddiga doorashooyinka heer federaal ee degaan doorashadda labaad ee Jubaland.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman".

Isaga oo ka hadlaya munaasabadda dhaarinta, Rooble ayaa yiri: "Waxa xusid mudan in aan wajahnay caqabado aad u badan oo ahaa isku dayo lagu joojinayo in la so gaaro marxadaldan aan maants joogno".

Baarlamaanka 11aad ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu dhaariyey Muqdisho iskana dhex-doortey guddoon ku meelgaar ah waxaana la filayaa in Sabtida ay yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM