Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Image

BOOSAASO - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ballanqaaday inuu qaadi doono tallaabo adag oo ku saabsan amniga, isagoo xusay in dowladda uu hoggaaminayo aysan oggolaan doonin soo noqoshada kooxaha argagixisada ee gobolka bari.

Waxuu Madaxweynaha sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee Puntland, wuxuuna ku celiyay go'aankiisa ah in cidna laga yeeli doonin siyaasadeynta arrimaha amniga iyo khalkhal-gelinta xasiloonadda dhiiga badan loo huray.

Madaxweynaha oo la hadlay odayaasha dhaqanka ee Bari, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo ISIS aysan lahayn wax awood ah oo ku baadi karaan ganacsiga Boosaaso. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay nadiifiyeen meelaha ay ka talinayeen argagixisada ISIS ee Calmiskaad, oo laga dhisi doono wadooyin cusub si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo shacabka.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in uu bixiyay cafis guud oo loogu talagalay dadka horey uga mid ahaa argagaxisadda iyo kuwa galay dambiyada, isagoo sheegay in dowladda uu hogaaminayo ay dooneyso in la xoojiyo isdhexgalka bulshada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si cad u sheegay in dadka ku lug leh hawlgallada khal-khalgelinta ama xiriirka la leh kooxaha xagjirka ah ay wajahayaaan tallaabooyin adag.

Madaxweynaha Puntland ayaa ammaanay odayaasha dhaqanka ee kaalin muhiim ah ka qaatay hawlgalka Hillaac, oo ah hawlgal dowladda hoggaamineyso oo loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga gobolka iyo la dagaalanka ISIS. Waxa uu sidoo kale sheegay in marxaladda saddexaad ee hawlgalkan ay ujeeddadeedu tahay in la xaqiijiyo guulaha amni iyo in la adkeeyo xasiloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM