DFS oo wadahadal la furtay xubno ka tirsan Al-shabab

Image

October 20, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadal aan toos ahayn la furtay xubnaha qunyar socodka ah ee ku jira Al-shabab xilli uu socdo hawlgal ballaaran oo kooxdaas lagula dagaalamayo.

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenay Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa u sheegay wargeyska The East African ee kasoo baxa isla dalka Kenya in Dowladda Federaalku wada-hadal aan toos ahayn la furtay xubno ka tirsan Al-shaba isagoo intaas raaciyey in dowladdu mar walba diyaar u tahay inay la hadasho Al-shabab hadii kooxdaasi ka tanaasusho fikirka xagjirnimada.

" wada-hadallo aan rasmi ahayn ayaan la furnay Al-shabab balse wada-xaajoodka dhabta ahi wuxuu iman karaa marka Al-shabab si cad u qeexdo inay doonayso qayb inay ka noqoto xal u helidda Soomaaliya, hadii kel suuragal ma noqon doonto in lala hadlo kuwa dilaya dadka aan waxba galabsan" Danjire Ameeriko ayaa sidaas yiri.

Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo isna ah af-hayeenkii hore ee Villa Somaliya ayaa wargeyska The East African u sheegay in dadka sida aadka ah u aaminsan afkaarta xagjirka ahi ku yaryihiin gudaha Al-shabaab marka laga reebo hogaamiyeyaasha sare iyo kuwa dhexe ee kooxda, haseyeeshee xubnaha aan xilalka haynin ee Al-shabab u badan yihiin kuwo la khalday, kuwo dhaqaale ahaan u galay iyo kuwo lagu khasbay.

Ururka Al-shabab oo sideed sano laga joogo markii markii la asaasay, waxay awoodiisu u muuqataa mid sii baa ba'eysa laga soo bilaabo sanadkii 2012. Dadka u dhuun daloola siyaasadda Al-shabab ayaa saadaaliyey in kooxdaasi kala yaaci doonto maadaama uu meesha ka baxay hogaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godne.

Godane oo ahaa nin hoggaanka Al-shabaab gacan bir ah ku hayey waxaa lagu diley duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku fuliyeen bishii September ee lasoo dhaafay kana dhacday meel u dhow degmada Baraawe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM