Dhacdooyinka amni raadka ku reebay Soomaaliya sanadkii hore 2024

Image
Shan kamid ah ayaa ahaa kuwii ugu hadalheynta badnaa ee xataa gaarey shaashadaha caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanad cusub ayaa u bilowday dadyowga caalamka. Xilliyadan oo kale waxaa dib loo tixraacaa dhacdooyinka tagay xagaagii hore. Faalladan waxay diirada saareysaa dhanka ammaanka.

Soomaaliya ayaa sanadkii tagay 2024 waxay la kulantey dhacdooyin amni waaweyn. Shan kamid ah ayaa ahaa kuwii ugu hadalheynta badnaa ee xataa gaarey shaashadaha caalamka waxayna kala yihiin;

January 10: Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa cilad awgeed si degdeg ah ugu degtey magaalada Wisil oo ay maamulaan Al-Shabaab; Hal qof ayaa ku dhintay, waxaana la afduubtay dhowr shaqaale ah. 

February 6: Qaraxyo ka dhacay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toban qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa shan iyo toban kale. Weerarkan ayaa kooxda ku diidaneyd CCTV-yada.

February 11: Weerar lagu qaaday xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada afar ka tirsan ciidamada Imaaraatka iyo hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada Bahrain. 

Sebtembar 28: Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay bannaanka hore ee maqaayad ku taal Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof toban kalena waa ay ku dhaawacmeen. 

October 17: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad lagu shaaho oo ku dhow Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dhacdooyinkan oo ay wehliyaan kuwa kale oo isugu jira weeraro toos ah oo lagu qaadey xerada ciidamadda xoogga dalka ayaa saameyn ku lahaa ammaanka Soomaaliya oo wali mas'uuliyadiisa ay hayaan ciidan shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM