Dibadbax ka dhan ah doorashada oo Baydhabo ka socda

Image

November 17, 2014 (GO)- Mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka soconaya xilligan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dibad-baxeyaasha oo boqollaal qof gaaraya ayaa xiray qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ergada iyo murashaxiinta tartamaya gaar ahaan Shiriif Xasan Shiikh Aadan.

Xaaladdu waa kacsan tahay waxaana ammaanka goobta doorashadu ka dhacayso si weyn u adkeeyey ciidamada booliska iyo cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM ee degmada Baydhabo ku sugan.

Dhanka kale doorashada oo sida horay loo qorsheeyey bilaambi lahayd saaka marka waqtiga geeska Afrika yahay sagaalka subaxnimo ayaan ilaa iyo hadda la bilaabin.

Xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada doorashada oo goor hore oo saaka ahayd la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in laga yaabo doorashadu sababo la xiriira ammaanka dartood inay dib ugu dhacdo maalinta berri arrimo farsamo dartood.

Ciidamada AMISOM oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ilaalilanya xarunta shirkaan ka socdo iyadoo doorashada madaxweynaha u taagan tahay lix musharax.

Gudoomiyaha Barlamanka Federalka oo aad u diidan doorashadaan ayaa saaka mar sii horeysay war uu saarey ku sheegey in dowlada aysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda shirweynaha maamul u sameynta sadexda gobol.

Madaxweynaha Somalia, Ra'isal waasraha iyo Gudoomiyaha Barlamanka ayaa kulanka lagu dhisayo sadexda gobol horey uga furey magaalada Baydhabo kasoo ka qayb galeen ergo gaareyso 370 qof.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan xaaladda Baydhabo wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM