Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa si xooggan uga hadlay ficilada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madobe), isagoo ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo ka hor imaanaya heshiiska lagu gaaray Shirkii Golaha Qaran ee NCC.

"Tallaabooyinka uu qaadey Axmed Madoobe waxay jebinayaan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna raadinayaa doorasho isaga u gaar ah, taasoo aan la aqbali karin," ayuu yiri RW Xamse mar uu Khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025) oo lagu qabtay Xerada Xalane ee Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad, taasoo dowladda ay ku sharci-darro ku tilmaantay, iyadoo ku doodaysa inaysan waafaqsanayn nidaamka doorashadda qof iyo codka ah ee la diyaarinayo.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ficilada Madobe ay ka hor imaanayaan danaha dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku socoto waddada heshiiska iyo iskaashiga Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana aysan ogolaan doonin in la jebiyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgelinayso in ay sameysato maamul cusub oo Jubbaland ah, kaasoo saldhigiisa noqon doona gobolka Gedo. Tallaabadan ayaa sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo Jubaland, iyadoo ay jiraan welwel iyo walaac ku saabsan xaaladda amni ee gobolka.

Xog hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaysa in diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ee dhageysanayay khudbadda ay ka carootay hadalka Ra'iisul Wasaaraha, iyagoo u arka mid sii kala fogeynaya dowladda iyo Jubaland, isla markaana sababi kara xaalad khilaaf iyo xiisad ka dhex dhasha gobolka, oo qarka u saaran in ay ka dhacaan dagaallo cusub.

Waxaa la ogeysiiyay in khudbadda Xamse ay ahayd mid xooggan oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland, taasoo sii murjineysa xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo maamulada gobollada, gaar ahaan Jubbaland. Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa muujiyay inay ka xumaadeen hadalkaas, iyadoo ay uga digayaan in ay jiraan halis amni oo kasoo bixi karta hadalkii Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM