Dilal horleh oo ka dhacay Muqdisho xilli amnigu xumaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa labo dhalinyaro ahaa ku dilay saaka Muqdisho, xili amniga Caasimadda uu sii xumaanayay tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadan.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo rag bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen dhalinyaradan, oo la sheegay inay lacago ka qaadi jireen baabuurta halkaasi laga raro.

Ciidamada amaanka dowaldda ayaa daqiiqado kadib gaarey goobta, kadib markii ay baxsadeen kuwa dilka fuliyay oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo dilalka qorsheysan ka geysta magaalada.

Lama oga cid ay katirsan yihiin ragga la dilay iyo sababta loo dilay intaba.

In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay Muqdisho tan iyo markii uu Ramadan-ka billowday, iyadoo dilalkaasina qaarkood ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka.

Falalkan amni darro ahaa dhacaya xilli Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay sugeyso amniga magaalada, iyadoo Ciidamo badan oo isku dhaf ah dhigtay wadooyinka, kuwaasi oo gaadiidka ku baara Isgoysyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM