Ciqaabta sugaysa kooxda Farmaajo kadib "dilka" Aamina iyo Ikraan

Image
"Shirqooladan siyaasadeysan" ayaa la filayaa in ay si weyn u dhaawacaan damaca soo laabashada maamulka waqtiga ka dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare xilgaarsiinta Rooble, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Mursal iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaazada ee garoonka Muqdisho loogu tukaday Maanta Meydadka Xildhibaan Amina iyo Cali Cabdi Dhuxul, oo ex-Xildhibaan ah, oo xalay ku dhintay qaraxyaddii Beledweyne.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya - UNSOM - oo is-qarxintii xalay ee Beledwayne ku tilmaamay "fal fool-xun" ayaa soo dhaweeyay baaritaan lagu sameeyo "weerarkaas is-miidaaminta ahaa" una tacsiyeeyay ehelka dadkii ku nafwaayey kuwaasoo ay kamid tahay Xildhibaan Aamina Maxamed; kuna baaqay "in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah".

Kadib qaraxyadii Xalay, Beledweyne oo dib uga billaabatay doorashadda Kuraasta Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka 11aad. Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar iyo Musharax Maxamed Tuure ayaa ku loolamaya Kursiga Hop011, oo doorashadiisu socoto.

Kororka dhimashada qaraxyadii Beledwayne

C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee amniga ee Soomaaliya ayaa markale ku guuleystay kursiga Hop011, oo doorashadiisu ka dhacday Maanta Beledweyne, saacado kadib qaraxyadii dadka badan lagu dilay.

Ku dhowaad 50 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 100 ruux kalana way ku dhaawacmeen qaraxyadii xalay ruxay magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu sheegay madaxwaynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Laamaha ammaanka ayuu faray in ay labajibaaraan sugiga amniga kuna booriyey shacabka feejignaan. "Kama niyad-jabi doono u adeegida shacabka iyo howlaha doorashooyinka," ayuu raaciyey Guudlaawe.

Dadkii u hadlay Ikraan oo "lagu raad-joogo"

Qaali Maxamuud Guhaad, hooyada Ikraan Tahliil Faarax, ayaa tuhunsan in dilka Aamina uu si toos ah xiriir ula leeyahay afduubka iyo khaarijinta gabadheeda ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka.

"Qof kasta oo ka hadlay kiiska gabadheyda waa lagu daba-jiraa. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi sababta mar walba doorashada kursigeeda loogu dib-dhigayey waxay ahayd dhagartan [ismiidaamintii xalay] ayaa loo maleegayey. Ilaahey haka waraabiyo Janatazul Firdowsa," ayay tiri.

Mohamed Hussein Roble oo "erayada ugu adag" ku cambaareeyay khaarijinta Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa faray laamaha ammaanka in ay "baaritaan waafi ah" ku sameeyaan sidii uu u dhacay "falkan waxashnimo".

Ciqaabta sugaysa kooxda Farmaajo

Jeneraal Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya, ayaa saddex maalin kahor qoraal ay ku faafisay barteeda Facebook-ga Xildhibaanada cusub uga digtay amni darro una sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay dadweynaha ku kulmaan.

Saddex casho kadib qoraalkan, xalay, gudaha Beledwayne naftii halige ayaa isku-miidaamiyey Xildhibaaanad Aamina Maxamed Cabdi, dhacdo ay siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaameen "bilowga khaarijin siyaasadeed oo la doonayo in lagu wiiqo isbedelka".

Khaarijinta Aamina iyo kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqda in ay noqon doonan mawduucyo si weyn u hareyn doona geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya. Inkasta oo ay horey u dhaceen kiisas kale oo ka waaweyn, haddana labadan dhacdo waxaa la qiyaasayaa in ay galaafan karaan masiirka siyaasadeed ee Farmaajo ruuxadiisa iyo saaxiibadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM