Diyaarad dagaal oo ku burtey duleedka magaalada Kismayo

Image

Dec 4,2014 [GO]- Wararka warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in galabta mid kamid ah diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya gaar ahaan nooca Miiga loo yaqaan ku dhacday duleedka magaalo madaxda Jubaland ee Kismaayo.
Diyaaradaan ayaa marka burburtey kasoo noqotay hawlgal duqeyn ah oo ay ka fulineysay duleedka deeganka Buulagaduud.

Sargaal u hadlay ciidanka cirka dalka Kenya ayaa sheegay in diyaarada ay u burburtay cilad awgeed.

Dhanka kale hawlgalka maanta duqeynta diyaarada Kenya ka fuliyeen deeganada Gosha ee uu maro wabiga Jubba ayaan la hayn wax faahdaahina khasaaraha ka dhashay.

Ururka Al-shabaab ayaa dhinaca kale sheegtey iney diyaarad dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya dagaal yahanadooda soo rideen.

Ciidamada cirka dowlada Kenya ayaa kor u qaadey duqeynta ay la beegsanayaan deeganada Jubbooyinka halkaasoo kooxaha al-shabaab ku ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi ah halka kooxdaanu kordhisay weerarada ay ku beegsanayaan dadka Kenyanka ah.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM