Doolow: Shaqaaqo ka dhalatay dilka taliye oo shan qof u dhinteen

Image
Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay afar askari, waxaana la sheegay in ay xaaladda uga sii dartay.

KISMAAYO, Jubaland - Maleyshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Dooloow, halkaas oo laga dhoofin rabay sarkaal la sheegay in uu xabsiga ku dhex dilay askari uu ku socday baaritaan la xiriira dilka taliye ciidan.

Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay afar askari, waxaana la sheegay in ay xaaladda uga sii dartay. Mas'uuliyiin heer maamul iyo heer federaal ayaa la sheegay in ay soo farageliyeen qadiyadda.

Arrinka waxa uu ka bilowday 18-kii bishan oo qarax sariirtiisa loogu xirey lagu diley taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka ee Balad Xaawo Korneyl Maxamed Aways.

Labo askari ayaa loo xirey qaraxaasi oo ku dhacay siyaabo shaki leh, balse sarkaal ka socday maxkamadda ciidamada ayaa la sheegay in uu midkood ku dhex dilay xabsigii.

Waxaa gobolka Gedo ku sugan wafdi ka socda maxkamadda ciidamada oo uu hoggaaminayo Korneyl Shuute, wuxuuna sheegay in uu wax ka qaban doono dilal dhawr ah oo shaki leh oo ka dhacay gobolka, kana mid yahay dilkii Korneyl Bakaal Kooke.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM