Doorashada guddoonka Aqalka Hoose oo lagu qabanayo Afisyooni

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gedaal markii dhowaan hoobiyeyaal lagu weeraray Villa Hargeysa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Gudoonka Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay in codeynta ay ka dhici doonto teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gedaal markii dhowaan hoobiyeyaal lagu weeraray Villa Hargeysa. 7-ka Abriil ayaa qorshuhu yahay in ay qabsoonto doorashaddan oo si weyn isha loogu haayo.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo xalay hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in ay baaritaan u baahantahay rasaas shalay haleeshay matoorkii qaboojiyaha xarunta uu ku shaqeeyo guddiga.

Gudoomiyaha guddiga ayaa sheegay in dedaal xooggan ay geliyeen sidii loo baddeli lahaa haanta Gaaska Qaboojiyaha ee Xabadda ku dhacday si aanay u baaqan hadal jeedinta musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS.

"Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo soo noqday wasiirka amniga Soomaaliya.

Wuxuu ku daray: "Waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka".

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ayaa dhacdooyinkaan is xigxiga ku sifeeyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baajiyo fadhiyadooda si dib loogu dhigo doorashada Dalka oo waqtigeeda kasoo durugtay.

27-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada gudoonka golaha shacabka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay sababo la xiriira khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM