Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo la muddeeyay

Image
Dhanka kale, madaafiic ayaa lagu weeraray dhismaha hay'adda sharci-dajinta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta iyo hogaanka labada aqal – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xeerka doorashadda ee uu diyaariyey guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa dhigaya Musharaxiinta madaxweynaha laga qaado 40-kun doolar xilli ay hore waxay ahayd 30-kun doolar.

Sidoo kale, musharaxiinta afhayeenadda iyo ku xigeenadooda ee labadda gole ayaa iyagana bixin doona 20-kun doolar illaa 15-kun xilli ay horey u ahayd 15-kun doolar iyo 10-kun doolar.

"Doorashada guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 27 April 2022," ayuu yiri gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Cabdirisaaq Cumar, oo wasiirka amniga ka ahaa dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ilaaliyaan jadwalka ay soo saareen dib-u-dhacna uusan imaan.

Dhinaca kale, Ugu yaraan hal qof oo kamid ah shaqaalaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay kadib markii hoobiyeyaal ay ku dhaceen qaybo kamid ah dhismaha hay'adda sharci-dejinta.

Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen warbixino ku saabsan in Villa Soomaaliya damacsan tahay carqaladeynta fadhiga xubnaha Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM