Doorashada Taariikhiga ah ee Somaliland: Shacabka oo u Dareeray Go’aaminta Hoggaan Cusub

Image

Hargeysa (Garowe Online) – Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee maamulkaas hoggaamin doona shanta sano ee soo socota. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya saddex musharrax oo ka kala socda xisbiyada ugu waaweyn Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi oo u tartamaya xisbiga Kulmiye, Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi “Cirro” oo ka socda xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo metelaya xisbiga UCID.

Doorashada madaxweynaha waxaa barbar socota doorasho kale oo xisbiyada lagu kala saari doono, taas oo lagu go'aaminayo ururada siyaasadeed ee u tartamaya in ay ka soo baxaan saddexda xisbi ee rasmiga ah ee Somaliland ka jiraya. Guud ahaan, 10 urur siyaasadeed ayaa u tartamaya in ay ka helaan ugu yaraan 20% codadka guud ee laga dhiibto shanta gobol ee Somaliland ka kooban tahay, taas oo u oggolaanaysa in ay isku beddelaan xisbi rasmi ah.

Qofka codbixiyaha ah ayaa loo qaybiyey labo waraaqood oo uu midda hore ugu coddeynayo musharaxiinta xilka madaxweynaha, halka midda kale uu kaga qayb qaadanayo doorashada ururrada siyaasadeed.

Doorashada ayaa xiiso badan abuurtay iyadoo saadaalaha siyaasadeed ay muujinayaan in Cabdiraxman Cirro, musharraxa xisbiga Waddani, uu haysto taageero ballaaran, gaar ahaan taageerada ururrada siyaasadeed ee mucaaradka ah. Talaabadan ayaa xoojisay rajada Cirro, kaddib markii Madaxweyne Ku-xigeenkii Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici,” uu taageero u muujiyey musharraxa Waddani, Cabdiraxman Cirro, maalintii ugu dambeysay ee ololaha. Arrintani waxay dhabar jab siyaasadeed ku noqotay Madaxweyne Muuse Biixi, oo xilka hayay shantii sano ee la soo dhaafay.

Muuse Biixi ayaa xilka lagu xusuusan doonaa dagaalkii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ay Somaliland kala kulantay dagaallo culus, taas oo ugu dambeyn keentay in ciidamadiisa ay isaga baxaan guud ahaan gobolka.

Dhinaca kale, doorashadu sanadkaan kama qabsoomeyso guud ahaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan guddiga doorashada Somaliland.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid muhim ah oo go’aamin karta hoggaanka siyaasadeed ee Somaliland shanta sano ee soo socota iyo guud ahaan xaalada dalka Soomaaliya ayaa natiijada ugu horeysa waxay soo baxeysa fiidka dhexe ee habeenka caawa taasoo laga filayo iney soo gudbiyaan muraaqibiinta goobaha codbixinta u joogta musharaxiinta iyo ururada siyaasada. 

Garowe Online 

Related Articles

Muxuu Kala Kulmay Madaxa WHO Garoonka Diyaaradaha Sanca, Yemen?

Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo “arxan-darro ah…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 08:45AM

Cirro oo Ka Hadlay Dagaalka Dacawaley

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in dagaalku…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 07:00AM