Doorashadda ka dhacday Ceelwaaq oo si weyn loo bogaadiyey

Image
Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Sabtidii soo dhamaystiray doorashada 16 kursi ee loo asteeyay gobolka Gedo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay doorashadii 16 kursi ee lagu qabtay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyay “Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo”.

“Hambalyo ayaan leeyahay  xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday” ayuu bartiisa Facebook ku qoray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo qoraal ka soo saaray doorashadaan ayaa yiri “Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay doorashada 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland marar badan waxaan sheegnay in ay kuraas taas ayna ka hari doonin doorashooyinka guud ee dalka, Alle mahadii si Nabad ah oo Wanaagsan dadka deegaankuna ku qanacsan yihiin ayaa looso doortay 16ka Xildhibaan oo ku biiri doona xildhibaanada kale ee gardaadinaya geedi socodka doorashada dalkeena.

Axmed Madoobe oo doorashadaan uu qabtay maamaulkiisa ayaa u mahadceliyay “guddiyada doorashooyinka oo runtii xil gudasho iyo ka go’naansho muujiyay isla markana si wanaagsan u gutay waajibaadkii saara”.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bogaadiyay “Doorashada 16-ka Kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee lagu soo gebageeyay  magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa u rajeynaya xildhibaanada cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay”.

Siciid Deni oo ah musharax Madaxweyne ayaa amaanay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Jubaland iyo Dowladda Jubaland, oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey sidii loo soo gebagebeeyn lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee deegaan Doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Sabtidii soo dhamaystiray doorashada 16 kursi ee loo asteeyay gobolka Gedo si ay qayb uga noqdaan codaynta gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu balansanyahay 27 April 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM