Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Shidaal Baaris La Gashay Turkiga xilli Xaaladda Amniga sugneyn

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo la xiriira baarista shidaalka iyo gaaska dhulka Soomaaliya. Heshiiskan ayaa lagu kala saxiixay magaalada Ankara, waxaana uu u oggolaanayaa shirkadda shidaalka ee dowladda Turkiga (TPAO) in ay ka fuliso baaritaano seismic ah saddex qaybood oo dhul ah oo gaaraya qiyaastii 16,000 kiiloomitir laba jibbaaran.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in TPAO ay adeegsan doonto farsamooyin baaris si loo qiimeeyo suurtagalnimada shidaal ee gudaha Soomaaliya, iyadoo la bilaabi doono baaritaano seismic ah, kadibna la sii wadi doono qodista haddii xogtu ogolaato. Lama shaacin deegaannada saxda ah ee laga baarayo.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daa’uud Shire Maxamed, ayaa sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay xiriirka labada dal ee ku saleysan sahminta kheyraadka dabiiciga ah. Wuxuu sheegay in haddii baaritaanku guuleysto, ay sii socon doonaan wada shaqeynta labada dhinac.

Heshiiskan dhulka ayaa daba socda heshiis hore oo la saxiixay bishii Maarso 2024, kaas oo dhigaya in Turkigu uu baaritaanno shidaal ka sameeyo qaybo ka mid ah biyaha Soomaaliya. Markabka Oruc Reis oo ah markabka baarista ee Turkiga ayaa ilaa hadda dhameystiray 78% baaritaanka badda, waxaana la filayaa in baaristaas la soo afjaro bisha May.

Inkasta oo aan la shaacin faahfaahinta dhanka maaliyadda ee heshiiskan, haddana mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurtagalnimada iskaashi la xiriira sahminta macdanta marka la dejiyo xeerarka nidaaminta. Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale casuumay shirkado Turki ah si ay u sahmiyaan kheyraadka macdanta gudaha dalka.

Tan iyo booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho sanadkii 2011, Turkigu wuxuu xiriir dhow la yeeshay Dowladda Federaalka, wuxuuna ka sameeyay mashaariic dhanka dhismaha, waxbarashada, iyo caafimaadka, gaar ahaan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto cabsi laga qabo xaaladda amniga ee gudaha dalka, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha, halkaas oo ay ka dhacayaan weeraro iyo falal amni darro. Lama shaacin in deegaannada baaristu ku fidsan yihiin ay si buuxda ugu hoos jiraan gacanta dowladda dhexe ama maamul-goboleedyada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo biyo-qabow ku shubey booqashadda Xamse ee Laascaanood

Xasan Sheekh oo ka hadlayay madasha caalamiga ah ee Antalya Diplomacy…

  • Soomaliya

    12-04-2025

  • 07:49PM

Xasan Sheekh oo baal-maray Shir ay ku baaqday Beesha Caalamka - XOG

Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in shirkan uu noqdo midka ay ka soo qaybgalaan dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

  • Soomaliya

    12-04-2025

  • 12:45PM