Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis horleh kala saxiixdey

Image
Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Yaşar Güler waxay ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa'iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM