Dowladda federaalka Soomaaliya oo eedeyn culus u jeedisay Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa eedeyntan ku sheegay khudbadiisa UN-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo warbixin kooban siiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Itoobiya in dagaalka ay kula jirto argagixisada ay marmarsiiyo uga dhiganayso dhul ballaarsi.

“Aan caddeeyo, sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la dagaalanka Argagaxisada, waa qiil ay ku doonayso dhul balaarsi,” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay Soomaaliya qabatay saddex hub oo sharci-darro ah oo laga keenay Itoobiya, taasoo sii hurinaysa colaadaha gudaha, awoodna u siinaysa kooxaha xag-jirka ah. .

“Falalkaas waxaan ugu yeernaa kuwo si cad ugu xad-gudbay madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

Itoobiya ayaa si joogto ah u beenin jirtay eedaha ay Soomaaliya u soo jeedisay Itoobiya oo ay ku jirto ujeedka ay ka lahayd heshiiskii Is-afgaradka ee ay la saxeexdeen Somaliland.

Intii lagu guda jiray shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee bishii hore, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha Soomaaliya.

“Heshiiska is-faham ee Itoobiya la gashay Somaliland waxa uu ku salaysan yahay siyaasadda Soomaaliya ka jirta,” ayuu yidhi.

“Ujeedkayagu waa kobac iyo barwaaqo la wadaago gobolka, heshisyo kuwan la mid ah ayay wada galeen dowlado kale, mana jirto sabab ay dowladda Soomaaliya u hurin karto colaado sida muuqata ay ku dooneyso in lagu daboolo xurguf siyaasadeed oo gudaha ah,” ayuu hadalkiisa ku daray. "Sidaa darteed waan diiday eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn ee dalkayga loo jeediyay."

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM