Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ku Dhici Wayday Sheegidda Burburka Shirkii Wadatashiga

Image

MUQDISHU - Warsaxaafadeed aad loo sugayey oo la filayey in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu si dhab ah uga hadlo shirkii dhexmaray dowladda Federaalka iyo madaxda afar maamul goboleed ayaa ku dhammaaday faahfaahin la’aan. Shirkan oo muhiim u ahaa qorshayaasha qarsoon ee Villa Somalia ka lahayd nidaamka doorasho ee dalka, ayaa waxa uu burburay kadib markii Madaxweynaha Jubaland uu diiday arrimihii la soo hordhigey.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la hadlay saxaafadda subaxnimadii Talaadada ayaa ku guuldareystay inuu si toos ah u caddeeyo burburka shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), isagoo sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay dib ugu laabteen deegaannadooda si ay “tashiyo” ula sameeyaan shacabkooda.

Shirkan ayaa si gaar ah u burburay kadib markii Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu si cad u diiday isku day ay Villa Somalia ku dooneysay inay faragelin ku sameyso arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada. Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay qorsheyneysay muddo kordhin sharci darro ah u sameeyso madaxda maamulada, taasoo keentay fashilka kulanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo kasoo jeeda Jubaland, ayaa in muddo ah ku jiray xaalad siyaasadeed oo daggan. Fashilka kulankan ayaase la rumeysan yahay inuu dhaawac siyaasadeed ku keeni doono madaama Jubaland iyo Villa Somalia kala dhaqaaqeen, waxayna khatar ku tahay booska siyaasadeed ee Xamse. Sidoo kale, Xamse ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Puntland madaama saamigeeda siyaasadeed ee dalka ku fadhiyo xafiiska, isagoo aan weli booqan deegaanadaas tan iyo markii la magacaabay.

Siyaasi ka soo jeeda Muqdisho, oo magaciisa qariyay, ayaa Garowe Online u sheegay: “Waa nasiib darro weyn in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo madax ka ah dal muddo 30 sano ka badan burbur siyaasadeed ka soo kabanayay uu ka been sheego xaaladda siyaasadeed ee dalka. Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu u egyahay midkii kaligii taliyeyaasha, kuwaas oo sheegi jiray in ‘dalku fiicanyahay’ iyagoo aanan ka hadlin dhibaatooyinka horyaalla.”

Shacabka Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow u eegaya tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono, iyadoo dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

Garowe Online

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM