Dowladda oo guulo ka sheegatay "curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab"
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaalka dhanka dhaqaalaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa ku dhawaaqay.
Al-Cadaala oo wariyeyaasha u akhriyey war-saxaafadeed ayaa yiri "Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay Nidaamka Maaliyadeed ee dalka, sida Bangiyada iyo Xawaaladaha".
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Dawladda Soomaaliya, waxa ay ku dhaawaaqday Dagaal leh Sadex waji kaas oo ay doonayso in ay Dalka uga cirib tirto Kooxaha Khawaarijta ah.
Mid ka mid ah Sadexda aag ee Dawladdu ay ka beegsanayso Khawaarijtu, waa Dhaqaalaha, kaas oo ah isha ugu wayn ee Khawaarijtu u isticmaasho socodsiinta danbiyada ay ka galayaan Qaranka Soomaaliyeed, Dariska iyo dunida inteeda kale.
Maanta, waxeey Dawladdu lawadaagaysaa Shacabka Soomaaliyeed halka uu marayo Dagaalka Dhaqaale ee ay kula jirtay Khawaarijta tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku dhawaaqay Dagaalkaan bartamihii Sanadkii hore.
Ka dib Dagaal adag oo Dawladdu ay Khawaarijta uga qaaaday dhamaan Ilihii uu dhaqaaluhu uga soo xaroonjiray, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno Maanta in aan joojinay kala bar Dhaqaalihii ay helijirtay Khawaarijtu. Sidoo kalana hawlgab laga dhigay nidaamkii Maaliyadeed ee Khawaarijta ee isku xirnaa Ka dib markii ay Dawladdu qaaday talaabooyinkaan
1- Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay Nidaamka Maaliyadeed ee dalka, sida Bangiyada iyo Xawaaladaha.
2- Waxaa la xayiray Xisaabaadkii Bangiyada iyo Teleefanadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha kuwaas oo lagu xanibay Malaayiin Doolar.
3-Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijta ee Badeecadaha kasoo dega Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha.
4- Waxaa la joojiyay Nidaamkii ay Khawaarijtu ku Baadi jirtay Dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay u lahaayeen in ay helaan Xogta wax kala iibsiga.
5- Waxaa la burburiyay Goobihii ku hareeraysnaa Magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen Lacagaha Baadda ah kuna handadi jireen shacabka.
6- Waxaa Khawaarijta laga qabsaday Magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaalijireen uruurinta Xoolaha ay ka dhacaan Dadka, sida Masaajid Cali-guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.
7- Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah Horjoogayaasha Qaabilsanaa uruurinta Dhaqaalaha Baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale Cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan Maleeshiyaadka sida Khaaska ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan Shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen Baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay.
Natiijada ka dhalatay tilaabooyinka kor xusan, ayaa ah in inka badan 50% hoos u dhacay Dakhliga Khawaarijtu, in uu si guud u kala daatay Nidaamkoodii Maaliyadeed oo keentay in iyaga dhexdoodu ay kala xadaan intii usoo hartay, iyo ugu danbayn in dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ay Khawaarijtu bixin wayso lacagihii ay siin jirtay Maleeshiyaadkooda iyo Kharashaadkii guud ee dhaqdhaqaaqooda oo gaabis wayn uu ku yimid.
Inkasta oo ay jiraan guulahaan, hadana Dawladdu waxa ay la socotaa in ay wali jiraan qaabab ay Khawaarijtu ku baadayso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Shaqsiyaad wali ku lug leh kala gudbin iyo uruurin Baadda Khawaarijta kuwaas oo lagu raad joogo.
GAROWE ONLINE