Dowladda Soomaaliya: Howlgalka ATMIS deyn ayuu nagu leeyahay

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa sidoo kale waxay amaantay naf-hurnimada ciidamada nabad ilaalinta ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kumanaan ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii howlgalka bilowday horaantii 2007-dii, sidda uu VOA-da u sheegay madaxa ATMIS.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa amaantay naf-hurnimada ciidamada nabad ilaalinta balse waxay carabka ku adkeysay in ay ka go'an tahay dhaqan-gelinta siyaasadda bixitaankooda.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay aqoonsan tahay shaqada ay hayaan ciidamada Midowga Afrika.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu leeyahay dayn," ayuu yiri. "Soomaaliya goobihii ay dowladda Soomaaliya ka howlgaleysay [iyo] dhulka la xoreeyay, way nala xoreeyeen, way nala ilaaliyeen, dad badan ayaana ku waayay".

Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Sidaas darteed, waan u mahadcelinaynaa, balse waxaan doonaynaa in aan ugu abaal-gudno in howlgalka uu guuleysto".

"Taas waa sababta ay ciidamadda Soomaaliyeed haatan ugu dagaalamayaan in ay ciribtiraan argagixisadda Al-Shabaab," ayuu Cali oo u waramay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ka dhawaajiyay.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa ka caawiyay ciidamada Soomaaliya in ay Al-Shabaab ka saaraan Muqdisho bishii Luulyo 2011 ka dib in ka badan laba sano oo dagaallo lagu hoobtay ka socday Muqdisho.

Ciidamada ATMIS iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale Al-Shabaab ka saaray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka. Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah isku dayaysay in ay kala furfurto dowladda Soomaaliya uu caalamku taageero.

Ciribtirka malayshiyada ayaa ayaa lagu laayey halyeeyo ciidan oo badan. Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyada askarta dowladda iyo ATMIS ee gobolada dalka qaarkood

Weerarkii ugu dambeeyay oo bishii Maajo 2022 ayaa galaaftay nolosha in ka badan 30 nabad ilaalin ah oo ka dhacay magaalada Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Burundi iyo Uganda ayaa askarta ugu badan ku waayay howlgalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM