Dowladda Soomaaliya oo codsi deyn cafin ah u dirtay Serbia

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soojeedintan u diray dhigiisa waddankaas, Ana Brnabić.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wadahadalka dhanka khadka telefoonka waxa uu la yeeshay dhigiisa Seerbiya, Ana Brnabić, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa warfaafinta.

Labada mas'uul ayaa, sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

"Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta," ayaa la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan".

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada, Maxamed Cabdi Waare.

"Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Ra'iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM