Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siisey ardayda Suudaan

Image
Ardaydan ayaa wax ka baran doonta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay albaabada u furtay codsiyada deeqaha waxbarasho ee heerka koowaad ee ardayda Suudaan si ay wax uga bartaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

Waxay sheegtay in deeqdan waxbarasho ay ku jirto in la bixiyo kharashka waxbarashada oo keliya oo aanay ku jirin kharashyo kale, maalinta ugu dambaysa ee la codsanayana ay tahay 20-ka Oktoobar 2024-ka.

Waxay xaqiijisay in maadooyinka waxbarasho ee diyaarka ah ay yihiin Kuliyada Caafimaadka iyo Qalliinka, Kulliyada Injineerinka, Kulliyada Caafimaadka Dadweynaha, Kulliyada Dhaqaalaha iyo Cilmiga Maamulka, Kuliyada Caafimaadka Xoolaha, Kulliyada Beeraha, Kuliyada Caafimaadka Xoolaha, Kulliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Kulliyada Sharciga, Kulliyada Sayniska iyo Kulliyada Cilmiga Bulshada.

Waxay ku casuuntay ardayda doonaysa inay soo diraan codsi qoraal ah oo ay la socdaan nuqul ka mid ah shahaadooyinkooda waxbarasho iyo nuqul ka mid ah baasaboorkooda cinwaanka emailka Safaaradda Suudaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool Soomaaliya, maadaama Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeena oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

"Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM