Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siisey ardayda Suudaan

Image
Ardaydan ayaa wax ka baran doonta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay albaabada u furtay codsiyada deeqaha waxbarasho ee heerka koowaad ee ardayda Suudaan si ay wax uga bartaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad dugsiyeedka 2024-2025.

Waxay sheegtay in deeqdan waxbarasho ay ku jirto in la bixiyo kharashka waxbarashada oo keliya oo aanay ku jirin kharashyo kale, maalinta ugu dambaysa ee la codsanayana ay tahay 20-ka Oktoobar 2024-ka.

Waxay xaqiijisay in maadooyinka waxbarasho ee diyaarka ah ay yihiin Kuliyada Caafimaadka iyo Qalliinka, Kulliyada Injineerinka, Kulliyada Caafimaadka Dadweynaha, Kulliyada Dhaqaalaha iyo Cilmiga Maamulka, Kuliyada Caafimaadka Xoolaha, Kulliyada Beeraha, Kuliyada Caafimaadka Xoolaha, Kulliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Kulliyada Sharciga, Kulliyada Sayniska iyo Kulliyada Cilmiga Bulshada.

Waxay ku casuuntay ardayda doonaysa inay soo diraan codsi qoraal ah oo ay la socdaan nuqul ka mid ah shahaadooyinkooda waxbarasho iyo nuqul ka mid ah baasaboorkooda cinwaanka emailka Safaaradda Suudaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool Soomaaliya, maadaama Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeena oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

"Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AS oo ka faa’ideysanaysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Itoobiya ayaa heshiis la gashay Somaliland oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya, heshiiskaas oo haddii uu hirgalo waxay heli doontaa 20 KM oo badda cas ah.

  • Soomaliya

    14-10-2024

  • 02:59PM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka.

  • Soomaliya

    13-10-2024

  • 09:03AM