Dowladda Soomaaliya oo hakisay soo dejinta Mooto Bajaajta

Image
Go'aankan ayaa qeyb ka ahaa qaraar kasoo baxay kulanka golaha xukuumadda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay illaa amar dambe hakiyeen in waddanka lasoo geliyo mootada loo yaqaano Bajaajta ee aadka loo adeegsado.

Go'aankan ayaa qeyb ka ahaa qaraar kasoo baxay kulanka golaha xukuumadda oo uu guddoomiyey ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, sidda ku cad war-saxaafadeed rasmi ah.

Qaraarkan ayaa qeyb ka ah soojeedin uu soo saarey guddi uu Xamse magacaabay 2-da bishii March, 2023 kadib markii ay kordheen falalka amni darro iyo mashquulka waddooyinka caasimada.

Nuxurka qaraarka ayaa ah;

1) In laga bilaabo April 1, 2023 la hakiyay soo dajinta Mooto bajaajta, mootada labada lugood leh iyo mooto gaarida.

2) In ilaa April 30, 2023 in la tirikoobo Mooto Bajaajta Muqdisho, in la midabeeyo oo loo sameeyo A & B; shaqadaasna waxaa qabanaya maamulka Gobolka Benaadir.

3) In aan la siin karin ruqsad ama leysan mooto qof da’diisu ka yartahay 18 sano

4) In laga bilaabo May 1, 2023 la joojinayo bixinta taarikada mootooyinka ilaa iyo amar dambe.

Mooto Bajaajta ayaa ah gaadiidka loogu isticmaalka badan yahay Muqdisho. Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda ayaa ka mamnuuc ah mootadan sababo salka ku haya ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM