Dowladda Soomaaliya oo sharaxdey shirka lix-geesoodka Washington
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sanadkii hore bilaabay howlgal saf-ballaaran kaasoo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ku weyday dhaqdhaqaaqaas dhul ballaaran.
Falanqeeyayaasha ayaa ku booriyey dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada in ay ilaaliyaan amniga, isla markaana ay kaalmo dhaqaale u raadiyaan goobaha dib loo qabsaday si aysan dib ugu soo laaban gacanta Al-Shabaab.
Shirka lix-geesoodka Washington
Arrintan ayaa soo baxday toddobaadkan iyadoo wakiilo ka socda Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Mareykanka ay ku kulmeen magaalada Washington si ay uga wadahadlaan arrimaha amniga, dowlad-dhisidda, horumarka, iyo mudnaanta bini'aadantinimo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in ka qeybgalayaashu ay muujiyeen taageerada ay u haayaan dowladda Soomaaliya iyo sidii ay diiradda u saari lahayd ka hortagga argagixisada iyo kor u qaadista tayada.
Isku-dubbaridka kaalmada amniga
"Saaxiibadda Caalamka waxay isku raaceen in la xoojiyo isku-dubbaridka kaalmada ammaanka ee caalamiga ah, iyo muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtigeeda lagu gaarsiiyo gargaarka xasilinta meelaha cusub ee la xorreeyay," ayaa lagu yiri bayaanka.
Qoraalka wuxuu intaa ku daray in daneeyeyaasha caalamka ay ka go'an tahay in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay u buuxin lahayd halbeegyada lagu maamulayo hubka iyo rasaasta, si golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu awood ugu yeesho in uu si buuxda u qaado xakamaynta hubka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Qaaditaanka Cunaqabateynta hubka
Golaha ayaa ilaa hadda ka gaabsaday in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo ka cabsi qaba in hubku uu gacanta u galo kooxaha hubeysan ama kuwa kale ee aan dowliga ahayn.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in hubka soo gaaray Muqdisho Talaadadii uu yahay mid calaamadeysan oo la diiwangeliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta.
Sharaxaada dowladda ee wadahadalka
Siyaasaddan ayaa ah mid loogu talagalay in lagula xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in shirkii todobaadkan ka dhacay magaalada Washington uu ahaa mid miro dhal ah.
"Hadafkeenu wuxuu ahaa in aan codsigeena u gudbino saaxiibadayada sida tababarada, saadka, agabka xasilinta, bini'aadantinimada, iyo horumarinta. Saaxiibadayada hadafkoodu wuxuu ahaa inaan ka wada hadalno sidii Soomaaliya si wanagsan loo taageeri lahaa dagaalka ay ku jirto Al-Shabaab," ayuu yiri Cumar.
Galaangalka nabad-gelyada Soomaaliya
Wuxuu raaciyey: "Waxaan sugeynaa jawaabtooda baahiyahayaga iyo gargaarka aan waydiisannay iyo sidoo kale go'aamo la xiriira kordhinta isku-dubbaridka taageeradooda Soomaaliya".
La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh-Cali, ayaa ku soo qoray Twitter-ka kulanka Washington ka dib: "Kulan wax-soo-saar badan leh". Dhamaan dalalka ka qeybgalay kulankan ayaa saameyn ku leh amniga Soomaaliya.
GAROWE ONLINE