Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka" 40 Al-Shabaab ah

Image
Wasaaradda warfaafinta ayaa baahisay in maleyshiyaadkan ay "isku-dabaabulayeen in ay qaadaan weerar".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn iyo howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku dishay Ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaaradda warfaafinta ayaa baahisay in howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah uu ka dhacay Cali Fooldheere.

Degaankan ayaa wuxuu hoostagaa degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda xukuumadda federaalka.

"Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan," ayay raacisay wasaaradda.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DOWLADDA

Ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan.

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga ciribtirayo dalka oo dhan isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dowladda dagaalkaan.

Dowladdu waxay mar kale ugu baaqaysaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isa soo dhiibaan, iyadoo dowladdu ay gacan furan ku soo dhowaysay dhalinyaradii ka soo baxay Khawaarijta.


Sheegashadda dowladda ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-Shabaab ay Khamiista maanta ah weerartey degaana Nuur-dugle ee isla gobola Shabeellaha Dhexe halkaasoo madaxwayne Xasan Sheekh uu dhowaan tagay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM