Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay yabooh ay ka heshay Masar

Image
Balanqaadkan ayaa wuxuu daba socdaa shir madaxeedka ka qabsoomay magaalada Asmara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay u yaboohday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka ku yaalla Geeska Afrika, si ay isaga kaashadaan amniga, kaasoo soo ifbaxaya xilli uu meesha ka baxayo shaqada howlgalka ATMIS ee muddo dheer soo jiray oo ka tirsan nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa Khamiista asbuucii hore ka qeyb galay shir madaxeed ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo isaga iyo madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay ku ballan qaadeen iskaashi xooggan oo ku saabsan amniga gobolka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay gabagabada shir-madaxeedka in ay soo dhaweynayaan yabooha Masar ee ah in la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada xasilinta marka la kala diro ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga bisha December.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxdu ay soo dhaweynayaan go'aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu ku billaabay howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, ama AUSSOM, kaasoo mas'uuliyadiisa la geyn doono Masaarida ama kuwa kale.

War-murtiyeed gaar ah oo daba socday shir-madaxeedka ay saxiixeen wakiillada Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay go’aamiso qaabka, howlaha iyo waqtiga lasoo dirayo ciidamada AUSSOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo 2007-dii taageero ka helaysay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, isla markaana mas’uul ka ah weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka.

Shir madaxeedka Asmara ayaa daba socday in muddo ah xiisado ka taagnaa gobolka oo ka dhashay khilaafyo u dhaxeeya Itoobiya iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka.

  • Soomaliya

    13-10-2024

  • 09:03AM

UN-ka oo soo farageliyay khilaafka Jubaland iyo Villa Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka degay Kismaayo.

  • Soomaliya

    13-10-2024

  • 08:51AM