Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartey Dagaalka Puntland kula jirto Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah Daacish ka wada Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas.

Waxey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah.

Dawladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed.

-Dhammaad-

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM