Dowladda UK oo wax laga xumaado ku tilmaantay khilaafka madaxda DFS

Image

November 12, 2014 (GO)- Iyadoo maalmihii u dambeeyey isa soo tarayeen baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aaddan xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaa khilaafka jira walaac xooggan ka muujisay Dowlada Ingiriiska.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Arimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay inay wax laga xumaado tahay in madaxda Dowladda Federaalku is khilaafaan xilli baahi weyn loo qabey in horay loo socdo waqtiga inta ka dhimanna si fiican looga faa'iideysto.

Dowladda Ingiriisku waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay in xasilooni darrada siyaasadeed khatar geliso hoosna u dhigto horumarka laga sameeyey Soomaaliya iyo dib u dhac ku yimaada geedi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo horumarka.

Waqtiga la haysto wuu kooban yahay  si himilooyinka la qorsheeyey sanadka 2016 loo gaaro, himilooyinkaasoo ku jiraan doorashooyinka 2016. Anagu waxaan sidaas darteed ku boorineynaa dhammaan dhinacyada Soomaalida inay khilaafka jira hannaan siyaasadeed ku xaliyaan iyadoo la ixtiraamayo hawlaha baarlamaanka islamarkaana si wadajir ah  looga shaqeynayo wixii danta Soomaaliya ku jirto.

Waa wax laga xumaado in shaqaaqadani kusoo beeganto xilligii loo baahnaa in diiradda la saaro geedi socodka siyaasadeed ee sanadka 2016 iyo weliba xilli asbuuca soo socda la qorsheynayo in shir ka dhaco magaalada Copanhagen, halkaasoo Soomaaliya iyo xulafadeeda caalamku ku gorfeyn doonaan waxa ka qabsoomay heshiiskii Higsiga Cusub ee la gaarey September sanadkii hore. 

Dowladda Ingiriisku waxay sii joogteyn doontaa inay caawiso Soomaaliya si loo dhiso qaranimada, ammaanka, dimuqraadiyadda iyo dal Soomaaliyeed oo mideysan islamarkaana federaal ah.

Shalay ayey ahayd markii sidan oo kale Dowladda Maraykanku u cadaysay walaaca ay ka qabto is-fahawan-waaga u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay inuusan ka qayb geli doonin shirka todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Copenhagen, shirkaasoo beesha caalamka iyo Soomaaliya isaga wareysan doonaan waxa ka qabsoomay heshiiskii Higsiga Cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM