Duleedka magaalada Kismaayo oo xalay lagu dagaalamay

Image

October 22, 2014 (GO)- Dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabab weerar gaadmo ahaa kusoo qaaday deegaanka Lugloow oo qiyaastii 20km magaalada Kismaayo waqooyiga kaga beegan, halkaaso ciidamada Jubbaland fariisimo ku leeyihiin.

Cabdinaasir Seeraar oo ah af-hayeenka Maamulka Jubbaland ayaa maanta warbaahinta maxalliga ah la hadlay, wuxuuna faah faahin ka bixiyey dagaalka xalay dhacay iyo weliba khasaaraha uu geystey.

Wuxuuna sheegay in ciidamadu si xooggan isaga caabiyeen khasaare badanna soo gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, isagoo taas sharaxayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

" ciidamadeenu si xooggan bay isaga caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday....ugu yaraan shan baa laga diley tiro intaas ka badan oo dhaawac ahna way qaateen..waxan gacanta kusoo dhignay 11 maxbuus oo ka tirsanaa Al-shabab" 

Al-shabab ayaa weli ka talisa deegaano ka tirsan Jubbaland, waxaana dhowaan ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanayaa bilaabeen hawlgal ballaraan oo kooxda Al-shabab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM